WAXBIXINTA HAWLQABADKA
Bästa sommaren (Xagaaga ugu fiican ) waxaa fulinaya innaga oo dhan idil ahaan ee ka shaqeeya Herrgården iyo Rosengård iyaga oo ku hoos shaqaynaya magaca ( Kraftsamlig Herrgården ) awood-isugeynta Herrgården.Waxa jira hawlo badan oo kala duwan oo la kala dooran karo inta fasax-xagaageedku socdo. Dhammaan qeybaha barnaamijku waa bilaash, waliba mararka qaarkood waxaan idinku caawinaynaa gaadiidka lagu tagayo meelaha qaarkood.
Barnaamijka intiisa badan waa mid u furan caruurta oo dhan iyo waliba qoysaska. Laakiin barnaamijta qaarkood ayaa ku wajahnaan doona koox da’ gooni ah leh.Waxaana lagu cadeyn doonaa barnaamijka dhexdiisa. Uma baahnid in aad isa sii diiwaangaliso, oo waad iska imaan kartaa waqtiga la shaaciyey in uu qabsoomayo barnaamijku.
Haddii ay xadidan tahay tirada ka qeyb galaysa waxaa mudnaanta leh kuwa horay u yimid. Liiska kiyuuga wuxuu imaankaraa maalinta xigta barnaamijta qaarkood.
Inta barnaamijyadu socdaan waxaa masuul ka ah badqabka iyo amaanka hogaamiyaalka.
Ilmaha ka yar 7 sano waa in uu la socdaa waalidkiis, ama mid ka mida walaalihiisa waa weyn ama qof kale oo weyn.
Waxaan idin qabanaynaa xagaa fiican oo xiise badan idil ahaantiin Reer Herrgården. Sidaa awgeed waxaa muhim ah in aan isku caawinno sidii aan u samayn lahayn jawwi fiican. Waqti hore imaw, Maqal warbixinta iyo tilmaamaha hogaamiyaha. Nagu caawiya in dhexdiina aad isxaq-dhawrtaan iyo qalabka la adeegsanayo. Yaasan la dhibin jiiraanka, nadaafadda beerta-saaxiibtinimadana aan ilaalinno.
Uma dulqaadan karno wax xadgudub ah ama midabsooca ama rabsho iyo aflagaado ah. Waxa jooga madasha horjoogayaal iyo hogaamiyayaal aad u sheegi kartid haddii uu wax dhaco ama cabasho jirto.